Su’aalo iyo jawaabta trafikförsäkringsavgiften (khidmadda caymiska gaadiidka)

Trafikförsäkringsföreningen (TFF) (Ururka caymiska gaadiidka) waa xubin ay iska kaashadeed shirkaddaha
caymiska Iswiidhan. Waxaan nidaaminnaa dhaawaca gaadiidka oo uu keeno kuwa aan la aqoon, aan caymisk ku jirin iyo baaruurta wadamadda kale. Waxaan xattaa ka qaadna khidmad kan leh gaadiidka matorka ku socda oo aan caymis lahayn. Khidmadda waxaa lagu bixiya kharashka dadka dhaawaca soo gaaro ama wax laga jajabiyey ee uu keeno baabuuur aan la aqoon.

Waa maxay trafikförsäkringsavgift?

Waa khidmad uu TFF sidda uu dhigayo qodobka 34 § qaanuunka dhaawaca gaadiidka uu xaq u leeyahay inuu ka qaado baabuurka aan laheyn caymiska gaadiidka.

Khidmadda maxaa loo istimaala?

Trafikförsäkringsavgiften waxaa loo isticmaala siddii loogu bixin lahaa kharashka dhaawaca gaadiidka oo uu keeno baabuur aan caymisk laheyn ama aan la aqoon.

Siddee loo xisaabiya khidmadda?

Khidmadda waa boqolkiiba tobban in ka badan kan ugu badan ee kharashka caymiska gaadiidka ee mid ka mid ah shirkaddaha caymiska u isticmaalan liiska qiimaha caymiska ee isku muddo xilli ee hal baabuur ee u dhigma nooca baabuurka iyo isku nooc isticmaal ee baabuurkaas. Aassaaska kharashka khidmadda wuxuu ka kooban yahay laga bilaabo 2007-07-01 canshuur ugu badnaan 32 boqolkiiba.

Waxyaabaha sidda summadda, sannadka la sameeyey iyo mandaqadda juquraafiga wax qiima ah oo ay leeyihiin ma jiraan marka la xisaabinayo khidmadda. Khidmadda waxaa mar walba la qaada ugu yaraan 200 SEK.

Gaadiidkee ah inay leehihiin caymiska gaadiidka?

Waajibaadka caymiska gaadiidka waxaa lagu nidaamiyey qodobka 2 § qaanuunka dhaawaca gaadiiska. Gaadiid motor ku socda oo ka diiwan gashan ha’yadda diiwaanka gaadiidka dariiqa oo aan diiwanka laga saarin waa in uu lahaada caymiska gaadiidka. Xattaa gaadiid motor ku socda oo aan diiwaanka ku jirin ama aan diiwaanka laga saarin waa khasab in uu leeyahay caymiska gaadiidka haddii loo isticmaalo gaadiid ahaan.

Laga bilaabo maalintee ayaa khasab ah in gaadiidku caymis leeyahay?

Gaadiidku waa khasab inuu caymis leeyahay laga bilaabo maalinta aad soo iibsato ama si kale aad ula wareegto gaadiidka.

Qofkee buu waajibku saarah yahay inuu saxiixo caymiska gaadiidka?

Gaadiidka waa in uu caymiska gaadiidka geliyo qofka iska leh baabuurka. Marka amaah lagu iibsaddo ama la kiraysto gaariga markaa waxaa caymiska laga rabaa kan iska leh gaariga. Haddii kan iska leh uu qaan gaar ahayn waa in kan mas’uuliyadda haya qofkaas waa in uu caymiska geliyaa.

Waajib ayay ku tahay in qofka iska leh gaariga uu geliyo caymiska gaadiidka xattaa haddii:

  • aan la wadin
  • uu qaab fiican yahay oo aan la isticmaali karin
  • uu mamnuuc yahay in la waddo
  • la xaday
  • loo geeyay shirkadda xaraashka baabuurta si loo xaraasho
  • qof kale oo aan ahayn kan iska leh uu leeyahay caymiska gaadiidka ee gaarigaan

Gaariga waa laga saari karaa diiwaanka haddii aan la isticmaaleyn muddo gaaban ama haddii la xaday. Marka diiwaanka laga saarayo gaariga looma baahna in uu caymiska gaadiidka ku jiro. Diiwaan ka saaridda waxay khuseeysa laga bilaabo maalinta uu soo gaaro warbixintaada oo dhameystiran Transportstyrelsen (Maamulka gaadiidka).

Warbixin dheeraad ah, fiiri warqaddaada caddaynta diiwan gelinta ama gal hoyga internetka ee Transportstyrelsen:

www.transportstyrelsen.se

Diiwaan ka tirtirid

Gaariga waa in diiwaanka lagga tirtiraa haddii la jajabinayo ama waddanka dibadiisa loo dhoofinayo.

Wargelinta diiwan ka tirtiridda waa in qoraal ahaan loogu soo gudbiyaa Transportstyrelsen. Warbixin dheeraad ah, fiiri caddaynta diiwan gelinta ee aad haysato ama gal hoyga internetka:

www.transportstyrelsen.se. Diiwaan ka tirtiridda wuxuu hirgelaya laga bilaabo maalinta ay soo gaarto warbixinta Transportstyrelsen.

Warbixinta khaladka ah ee qofka iska leh ee hay’adda diiwaanka gaadiidka dariiqa

Haddii warbixinta ee xaaladda qofka iska leh oo diiwaanka ku jira gaadiidka dariiqa uu khalada yahay waa khasab in aad la xiriirto Transportstyrelsen.

Bixin la’aanta kharashka caymiska

Shirkadda caymiska xaq bay u leedahay inay heshiiska caymiska gaadiidka ka baxdo haddii kharashka aan wakhtigii loogu tala galay lagu bixin. Shirkadda waxaa saaran mas’uuliyadda ilaa iyo maalinta heshiis ka bixiddu uu hirgalayo. Shirkadda waxay xaq u leedahay bixinta kharashka caymiska ilaa iyo maalintaas. Qaanuun ahaan waxay shuruuddaha kharashka ku wareejisa TFF.

La daahidda bixinta kharashka caymiska

Haddii bixinta kharashka caymiska loo diro shirkadda caymiska kadib markuu caymisku dhammaaday, wuxuu bilaabanaya caymiska cusub laga bilaabo maalinta kharashka caymiska la bixiyey. Bixinta kharashka waxba kama tarayo wakhtiga la bixiyey wakhtiga ka horeeyay.